Saraakiil ku dhimatay diyaarad Helicopter ah oo laga soo riday Sacuudiga.

Sunday October 18, 2026 - 17:13:02
MeMO Staff
Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee sahanka ah oo ay leedahay Ilaalada Qaranka Sacuudiga ayaa ku burburtay gobolka Najran ee koonfur-galbeed dalkaas, meel u dhow xadka Yemen, waxaana ku dhintay labadii sarkaal ee saarnaa.
Afhayeenka Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, Janaraal Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in shilku ka dhashay cillad farsamo, inkastoo Xuutiyiintu sheegeen in iyagu ay soo rideen diyaaraddan.

Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yahya Sariic, ayaa sheegay in diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo Sacuudigu leeyahay, ay ku soo rideen meel u dhow Najran, xilli ay beegsanaysay fariisimaha Xuutiyiinta ee xaduud-beenaadka.

Dhacdadan ayaa timid xilli Sacuudigu sare u qaaday feejignaanta amni, iyadoo weerarro cusub oo Xuutiyiinta Yemen loo aanaynayo ay socdaan.

Al-Maliki ayaa sheegay in difaaca cirka ee isbahaysigu qabtay laba gantaal oo kuwa riddada dheer ah oo loo soo tuuray Khamis Mushayt iyo diyaarad aan duuliye lahayn oo bartilmaameedsanaysay gobolka Riyadh.

Maalin ka horna, waxaa la sheegay in la qabtay afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo lagu weeraray Riyadh, Gobolka Bari iyo deegaannada koonfureed.

Dhanka kale, duqaymaha cirka ee isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ayaa weli ka socda Yemen, iyadoo la beegsanayo fariisimaha iyo kaabeyaasha milatari ee Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta Yemen ayaa iyaguna dhankooda waxay sheegteen in maanta ay fuliyeen weerarro dhowr ah oo ka dhan ah Sacuudiga iyo diyaaradaha milatarigiisa.

Waxa kale oo Xuutiyiintu saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhawaaqeen in sidoo kale ay soo rideen diyaarad Drone ah oo Sacuudigu leeyahay.

Xiisadaha ayaa sii kordhay tan iyo markii dagaalka Yemen dib u xoogaystay bishii Luulyo, kaddib sannado ay xaaladdu yara degganayd.

Related Items

Update cookies preferences